Digniin Caafimaad: Shaaha Oo La Cabbo Isagoo Aad U Kululi Wuxuu Keeni Karaa Kansarka Ku Dhaca Hunguriga.

0
478

Digniin Caafimaad: Shaaha Oo La Cabbo Isagoo Aad U Kululi Wuxuu Keeni Karaa Kansarka Ku Dhaca Hunguriga.

Tehran (Dalmar-News)- Khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka Iran ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in cabbista shaaha aad u kululi xidhiidh la yeelan karto kansarka ku dhaca hunguriga, natiijada daraasaddan oo uu geeska Afrika ka soo qaatay Joornaalka British Medical Journal oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in shaaha bigeyska ah, ee heer kulka karintiisu marka hore gaadhay 70 degree heerka qiyaasta kulku ay siyaadiso halista uu qofku u yahay cudurka Kansarka noociisa ku dhaca hunguriga.

Khubarada daraasadda samaysay waxa ay tijaabo ku sameeyeen 300 oo qof oo qaba cudurka Kansarka ku dhaca hunguriga iyaga oo si cilmiyeysan u baadhay caadooyinka dadkan ee shaah cabbista, waxa ay sidoo kale baadhitaan ku sameeyeen 571 qof oo isla deegaanka dadkaa hore ah balse iyagu caafimaad qaba, waxaana u soo baxday natiijadan ah in shaaha oo la cabbo marka uu aad u kulul yahay ay keeni karto kansarkan.

Waxa ay sidoo kale daraasaddani muujisay in shaaha oo dhaqso loo cabbo, tusaale ahaan qofka oo koobka shaaha cabbistiisa bilaaba in ka yar laba daqiiqo markii laga sii dhigay dabka ama laga shubay falaastu ay 5 laab kor u qaadayso khatarta ku jirta ee ah in uu sababi karo kansarka hunguriga ku dhaca, gaar ahaan marka la barbar dhigo dadka cabbista shaaha iyo shubistiisa u dhexeysiiya 4 daqiiqo iyo ka badan.

Sida la og yahay dadka shaah cabka ahi waxa ay xiiseeyaan in ay shaaha kulayl ku cabbaan laakiin in badan ayaa taas laga digay caafimaad ahaan. Daraasado hore ayaa muujiyey in sidoo kale khamri cabbista iyo sigaarkuba ay keenaan kansarka halista ah ee ku dhaca hunguriga.

Shaahu waxa uu ka mid yahay cabbitaannada dunida oo dhan mideeya, in kasta oo qaabab kala duwan loo sameeyo, caleenta shaahuna noocyo iyo magacyo kala duwan leedahay haddana in badan waxa ay khubaradu sheegaan in shaahu dhinacyo badan gacan uga geysan karo caafimaadka qofka.

Shaaha oo ah cabbitaan kulaylka lagu isticmaalo waxa aad looga cabbaa guud ahaan dhulka ay Soomaalidu deggen tahay. Waxaana la aaminsan yahay in Ragga Soomaalidu ay Shaaha u cabbaan tamar raadin iyo in uu kulanka sheekada iyo haasaawaha ah u qurxiyo, waxa aanay inta badan dhaqan ahaan aaminsan yihiin in Shaahu yahay cunto rag, “Rag waa shaah dumar-na waa sheeko”.

Farsamooyinka kala duwan shaaha loo sameeyo, iyo caleentiisa oo kala duwan sida, Shaaha madaw, Shaaha cagaaran iwm. Iyo weliba deegaannada uu ka baxo oo kala duwan ayaa keenay in uu yeesho saamayn kala duwan mararka qaarkoodna iska hor imanaysa, macnuhu waa in khubaro kasta oo daraasad ka samaynaysaa nooc uun ka mid ah shaahan eegaan, taas oo keenaysa in natiijada soo baxdaa ka duwanaato natiijada ay gaadhaan khubarada nooca kale eegtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here