Military-Ga Ukraine Oo Dib U Qabsaday Goobo Aad Muhiim Ugu Ah.

0
296

Military-Ga Ukraine Oo Dib U Qabsaday Goobo Aad Muhiim Ugu Ah.

Military-ga Ukraine, ayaa sheegay iney dib u qabsadeen magaalada Makariv – oo dhacda galbeedka Kyiv, kadib markii ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen ciidmada Ruushka.

Magaalo kale oo u dhow caasimadda, Boryspil, oo koonfur bari ka xigta, duqa magaaladaasi wuxuu dadweynaha ku booriyey kuwa awoodi karaya iney isaga baxsadaan magaalada.

Volodymyr Borysenko, ayaa sheegay iney caawin doonto hawlgalka ciidamada Ukraine, iyadoo dagaaladu ay ka socdaan daafaha magaalada.

Boryspil waa goobta uu ku yaallo garoonka caalamiga ah ee Kyiv. Military-ga Ukraine, ayaa sheegay in dhaq dhaqaaq yar uu ka socdey dhinacyada kale.

Laakiin waxaa intaa ku dartey in dhaq dhaqaaqa hawada Ruushku uu kordhay afar iyo labaatankii saacadood ee lasoo dhaafey.

Waxey yiraahdeen ciidamada Ruushku waxey u muuqdaan iney haystaan kayd shidaal iyo rasaas gaarsiin karaya oo kaliya saddex maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here