Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Mali Soumeylou Boubèye Oo Geeriyooday Isagoo 67 Jir Ah

0
317

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Mali Soumeylou Boubèye Oo Geeriyooday Isagoo 67 Jir Ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali Soumeylou Boubèye Maïga, oo maxkamad lagu soo taagay eedeymo musuqmaasuq oo loo taxaabay xabsi ,ayaa geeriyooday isagoo 67 jir ah.

Mr Maïga ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimada ah ee Bamako, sida ay sheegeen qoyskiisa.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku sheegtay in uu u dhintay “xanuun muddo dheer hayay” waxayna tacsi u dirtay qoyskiisa.

Mr Maïga ayaa la xiray bishii Ogosto ee sanadkii hore, waxaana xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay eedeymo la xariira in uu musuq maasuqay lacago lagu soo ibin lahaa diyaarado.

Waxa uu iska casilay xilka ra’iisul wasaarenimo ka dib carro ka dhalatay dilka 160 qof oo Fulani ah bishii Abriil 2019-kii ee deegaanka Ogossagou ee gobolka Mopti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here