Madaxweynaha Ukraine Oo Sheegay In Putin Uu Wado Qorshe Lagu Kala Qaybinayo Dalkiisa

0
590

Madaxweynaha Ukraine Oo Sheegay In Putin Uu Wado Qorshe Lagu Kala Qaybinayo Dalkiisa.

Ruushka ma doonayo Ukraine oo awood leh oo sii jirta sida ay aaminsan yihiin dadka siyaasadda indha indheeyea waayo Ukraine oo sideeda u sii jirta wuxuu Ruushku u arkaa in NATO oo ku soo siqeysa xuduudiisa qatarna ku noqon karta Ruushka .

MadaxweynahaUkraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu isku dayayo in uu sameeyo dowlado kala gogo’an si uu dalkiisa u kala gooyo.

Hadal uu jeediyey ayaa ku sheegay in gobolada Ukraine aanay mar kale ku celin wixii ka ka dhacay Donetsk iyo Luhansk oo ay gacanta ku hayaan kooxaha gooni u goosadka ee uu Ruushku taageero .

Ma aha Ukraine oo keliya ee waxaa jira dalal kale oo Ruushku ulo booc ugu tukabayo kuwaas oo ku jira ama ka mid noqon raba NATO, hase yeeshee dalalkaasi hadda waxay isu arkaan kuwo halis ugu jira mar kasta in Ruushku weeraro iyagoo hadda aad uga welwelsan dagaalka Ukraine .

Reer galbeedku waxay ku calcelinayaan in Ruushku doonayo in ay wax ka bedelaan qariiradda Yurub ayna dibu yaglelaan qaab u eg Midowgi Sofeeti ee hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here