Maxay kawada hadlayaan Wakiilada Shiinaha & Mareykanka ee maanta ku kulmaya Talyaaniga?

0
514

Maxay kawada hadlayaan Wakiilada Shiinaha & Mareykanka ee maanta ku kulmaya Talyaaniga?

Magaalada Rome Caasimadda Talyaaniga waxaa maanta ku kulmaya Wakiilo ka socda Mareykanka & Shiinaha oo ka arrinsanaya Duullaanka Ruushka uu ku qaaday Dalka Ukraine 24-kii Febaraayo 2022.

Mareykanka iyo Shiinuhu isku aragti kama aaminsano Dagaalka, Washington waxa ay si toos ah u garab taagan tahay Kyiv halka Beijing ay la safan tahay dhanka Moscow taasi ayaa keentay in labada Dowladood ay kawada hadlaan Mustaqbalka Dagaalka socda.

Dowladda Mareykanka ayaa Shiinaha u aragta il dhaqaale iyo taageero uu ka heli karo Ruushka oo waddamo dhowr ah ay geliyeen go’doon dhaqaale iyo mid siyaasadeed si uu u joojiyo dagaalka Ukraine ee uu ku qabsaday Magaalooyin dhowr ah.

Teleefishinka Aljazeera oo macluumaadka kulankaan daabacay ayaa sheegay in kahor is aragga diblumaasiyiintaan in Washington eedeyn & hanjabaad isugu dartay dhiggeeda Beijing maadaama Moscow garab istaag ay ka dalbatay Shiinaha.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in “Ruushka uu kaalmo Militari ka dalbaday Shiinaha” si uu isaga yareeyo culeyska kasoo koray dagaalka Ukraine balse Beijing iyo Moscow toona kama hadlin hadalka Mareykanka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa damacsan in Shiinaha ay ku sirsiraan in uu fursad Ganacsi ka helo Qaaradda Yurub Laakiin shardiga horyaalla ayaa ah in go’aan adag ka qaadato duullaanka Ruushka.

Shanta Dal ee ugu sarreeya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha & Ruushka ayaa faraha kula jira Dagaalka Ukraine, waxa ay isbaheysi la sameysteen Dalalka kale xubnaha ka ah Golahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here