Xayawaankii Mar Sababi Gaadhay In Nuclear La Isticmaalo.

0
498

Xayawaankii Mar Sababi Gaadhay In Nuclear La Isticmaalo.

Habeennimadii 25-kii October 1962, khalad ka dhacay askari ilaalo ka ah saldhiggii ciidanka ee Duluth ayaa horseedi gaaray in Maraykanka uu isticmaalo hubkiisa nukliyeerka. Askariga ayaa rasaas digniin ah iyo qeylo dhaan isugu daray wax ugu muuqday qof doonaya inuu ka soo tallaabo gidaarka xarunta.

Qof kale oo ku sugnaa xarunta ciidanka cirka ee Volk Field, oo u dhawaa saldhigga ayaa abuuray xaalad degdeg ah, waxaana durbadiiba la diyaariyay diyaaradaha xambaara hubka nukliyeerka ee uu leeyahay Maraykanka.

Waxaa xilligaas meel adag maraysay xiisaddii ka dhalatay gantaallada Cuba. 11 maalmood ka horna, diyaarad basaasnimo oo uu Maraykanka leeyahay ayaa sawirro ka qaaday qalabka gantaallada rida oo uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba, taasoo loo fasiray inuu diyaar u yahay duullaan ka dhan ah Washington.

Ilaalada saldhiggii Duluth ayaa markii dambe ogaaday waxa xaaladda abuuray in aanu ahayn qof ku soo xadgudubay ee uu ahaa bahal nooca loo yaqaan di’bi.

Taliyihii saldhigga ciidan ee Volk Field ayaa ku amray duuliyayaasha inay demiyaan diyaaradaha dagaalka ee diyaarka u ahaa inay kacaan.

Sidoo kale, sanadkii 1958 diyaarad ayaa si lama filaan ah bambo nukliyeer ah ay uga fakatay deyrka dambe ee guri la degan yahay. Nasiib wanaag, ma uusan qarxin bamka, cidna waxba kuma noqon.

25-kii January 1995, Madaxweynihii Ruushka ee xilligaas Boris Yeltsin ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay caalamka ee fura “shandada nukliyeerka” oo ay ku jiraan xogta isticmaalka hubkaas wax gumaada.

Shaqaalaha raadaarka Ruushka ayaa ogaaday in gantaal laga soo riday xeebta Norway. Durbadiiba Yeltsin ayaa talo-geliyay saraakiisha ugu saraysa ciidankiisa si uu uga jawaabta gantaalkaasi u muuqday inuu ku wajahan yahay Ruushka, balse daqiiqado kadib ayaa la ogaaday inuu u jihaystay badda oo uusan khatar ku ahayn Ruushka.

Markii dambe waxaa la ogaaday in gantaalka uu ahaa mid sahan cilmi-baaris loo ganay. Mas’uuliyiinta Norway ayaa la yaabay khatarta ay horseedi gaareen, walow ganidda gantaalka la shaaciyay bil ka hor xilligaas.

“Taasi waxa ay horseedi kartay in si aan ula kac ahayn uu u bilowdo dagaal nukliyeer ah. Mar haddii la rido gantaal nukliyeer ah, ma jirto qaab looga daba tegi karo ama xitaa lagu burburin karo,” ayuu yiri William Perry oo ahaa xoghahaya arrimaha dibedda ee xukuumaddii Bill Clinton.

 

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here