Duufan Laga Cabsi Qabo in Ay Ku Dhufato Deegano Ka Tirsan Soomaliya Iyo Digniin Laga Soo Saaray

0
437

Duufan Laga Cabsi Qabo in Ay Ku Dhufato Deegano Ka Tirsan Soomaliya Iyo Digniin Laga Soo Saaray

Waxa laga cabsi qabaa in 24-saac ee soo socda deeganada Gobolada Bari ee Puntland ay ku dhufato Duufan ay suurta gal tahay in ay dhibaato sababto.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in duufaantaas laga cabsi qabo inay ku dhufato degaannada, Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.

Dhamaan degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta ku dhufto ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal, waxana ay yihiin kuwo degaan xeebeedyo ah.

Horay degaano ka tirsan Mamulka Puntland waxaa ka dhacay duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020, waxaana ka dhashay dhibatooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here