Dalalka Yurub Oo Muwaadiniintooda Kala Baxaya Itoobiya

0
321

Dalalka Yurub Oo Muwaadiniintooda Kala Baxaya Itoobiya

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo xooggaga TPLF ay sheegeen inay ku wajahanyihiin magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa wacad ku maray inuu tagayo furinta hore ee dagaalka ciidamada federaalku kula jiraan TPLF.

Colaadda ka socota dalka Itoobiya muddada sanadka ah ayaa horseday xaallado binu aadanimo oo aad u liita oo ka jira gabalka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.Kumanaan ruux ayaa la dilay halka malaayiin kalana lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here