Magaca Cusub Ee Ay La Baxday Shirkada Faceboog Oo Loo Fasiray Dhimasho

0
504

Magaca Cusub Ee Ay La Baxday Shirkada Faceboog Oo Loo Fasiray Dhimasho

Hadalkii ka soo yeeray shirkadda Facebook ee ahaa in magaceeda ay u beddeleyso Meta ayaa dood ka abuuray gudaha Israa’iil iyadoo eraygaasi uu luqadda Hebrew uga micno yahay “dhimasho”.

Dad badan ayaa barta Twitter-ka waxay ku wadaagayeen fekerkooda ku saabsan magacaas iyagoo adeegsanaya hal ku dhigga #FacebookDead.

Kooxda Zaka ee mutadawiciinta ah ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay, iyagoo yiri: “Ha welwelina, waan ku guda jirnaa”.
Qof kale oo isticmaala Twitter-ka ayaa yiri: “Waad ku mahadsan tahay in dhammaan dadka ku hadla Hebrew aad u soo bandhigto wax ay ku qoslaan.”
Facebook ma aha shirkadda keliya ee la kulantay dhibaatooyinka tarjumaadda.

Waxaan idiin soo gudbineynaa tusaalooyin ku saabsan dhibaatooyinka dhanka tarjumaadda.

‘Farahaaga cun’

Markii ay KFC xarumo ka furatay Shiinaha sanadihii 80-meeyadii, hal ku dhiggeeda ah “waa mid aad faraha muudsaneyso’” kama uusan dhaadhicin dadka dalkaas.

Marka hal ku dhiggaas loo tarjumo luqadda Mandarin ee Shiinaha looga hadlo wuxuu la micno noqonayaa “farahaaga cun”.

Balse taasi aad uma dhibin shikradda. KFC waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee cunnooyinka fudud ka ganacsada ee dalkaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here