HINDIYA : Tobanaan Qof Oo Ka Tirsan Kooxaha Xagjirka Hinduuga Oo La Xidh Xidhay+SABABTA

0
575

HINDIYA : Tobanaan Qof Oo Ka Tirsan Kooxaha Xagjirka Hinduuga Oo La Xidh Xidhay+SABABTA

Ciidamada Booliska Hindiya ayaa xir-xiray tobanaan qof oo intooda badan ka tirsan kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga, ka dib markii ay dadka Muslimiinta ah ka hor istaageen in magaalada Tripura ay ku tukadaan salaadii Jimcaha.

Dhawaan ayay aheed markii  kooxahan ay dab qabadsiiyeen Masaajido, Guryo iyo dukaamo ay lahayeen Muslimiinta ku nool magaalada Tripura, kuwaa  oo ay geysteen kooxaha Hinduuga xagjirka ah.

Warbaahinta Hindiya oo soo xiganeysa saraakiisha Booliska ka howl gallo magaalada Tripura, ayaa sheegtay in booliiska ay xireen ugu yaraan 30 qof, oo ka tirsan kooxaha xagjirka Hinduuga, kuwaa oo ku howlanaa waxyelleeynta  dadka Muslimiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here