Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Galgaduud iyo Barakac billawday

0
353

Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Galgaduud iyo Barakac billawday

Xaaaladda Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa saaka ah mid cakiran, xili qaar ka mid ah Magaalooyinka Gobolkaasi laga dareemayo xaalad kacsaanan ah iyo saan-saan dagaal.

Wararka aan ka helayno Gobolkaasi Galgaduud ayaa kusoo warramaya in dadka degaanka ay cabsi aad u xooggani soo foodsartay, kadib markii Tuulooyinka iyo degaanada hoos yimaada Magaalada Guriceel ay Ciidanaka Dowladda iyo kuwa Galmudug  ay ka wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay doonayaan in Ahlu-Sunna weerar lagu qaado.

Magaalada Guriceel oo ah meesha ay ugu xooggan yihiin xoogagga Ahlu-sunna ayaa saaka ah mid haawanaysa, kadib markii xalay ay isaga barakacen dadkii degaanka, oo cabsi xooggani ay soo food saarat xalay.

Goobaha Ganacsiga iyo xaruumihii waxbarashada Magaaladaasi ayaa ah kuwo haawanaya, waxaana istaagay guud ahaanba isku socodkii iyo ganacsigii Magaalada.

Ciidanaka Dowladda iyo kuwo Galmudug ayaa xalay waxaa ay gaareen tuulooyin hoos yimaada Magaaladaasi, waxaana ay kaabiga ku hayaan Magaalada sida wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Ciidamo kale ay ku sugan yihiin Deegaanannada Haraale iyo Baraxwayne oo Waqooyi ka xiga Guri-ceel, waxaana la sheegay in Ciidankaasi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in ay qayb ka yihiin diyaar garowga dagaal ka dhan ah Xoogagga Ahlu-sunna.

Xaaladda Magaalada Guriceel oo ah magaalada ugu ganacsiga badan Gobolkaasi, uguna dadka badan ayaa ah mid haatan aad u kacsan, waxaana dadkii ka barakacay xalay ilaa saaka ay gaareen Toolooyinka iyo degaaanada hoos yimaada Guriceel, waxaana dadkaaasi ay sheegeen in ay ka cabsadeen in Cidamadu ay ku dul dagaalamaaan.

Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Ahlu-sunna ay dib isku soo abaabuleen waxaa uu ku jiray xaalad kacsanaan ah, iyadoo saacad waliba Gobolkaasi laga filan karo in uu ka qarxo dagaal aad u qaraaar, maaddama Ciidanaka labada dhinac ay dagaal u diyaar garoobeen, ayna sidoo kale jiraan Ciidamo farabdan oo Dowladdu ku daabushay Gobolkaasi, si ay Ahlu-Sunna meesha kaga saaraan.

Jahawareerka iyo Colaadaha kasoo cusboonaaday Gobolkaasi ayaa waxaa uu keenay in uu xilkii iska casilo Wasirrkii Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed macalin Fiqi, kaasi oo sheegay in sababta uu xilka uga tagay ay tahay colaadda Gobolka iyo in ay Qooqoor isku fahmi waayeen hannaankii loo wajihi lahaa dagaalka Ahlu-sunna.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here