Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Jubbada hoose

0
312

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Jubbada hoose

Ciidamada dalka Kernya ayaa lagu soo warramayaa in ay dil iyo dhaawac u gaysteen dad Soomaaliyeed oo shacab ah oo ku sugnaa Gobolka Jubbada hoose, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dhacdadaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidmadu ay toogteen Carab Qoriyow, oo ka tirsanaa dadka degaanka, waxaana togashadu ay ka dhacdayn degaanka raaskaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena waxaa ay dhaawacyo culus gaarsiiyeen labo qof oo shacab ah.

Wararka ayaa intaasi kun daraya in Ciidamada Kenya ay xasuuq ba’an u gaysteen 40 neef oo lo’ah, kuwaasi oo ay lahaayeen dadka degaanku, ilaa iyo haddana lama oga saabbta rasmiga ah eek a dambeysay in Ciidanku ay ku kacaan dhibaatada intaas la eg.

Dadka degaanka ee ku Nool Raaskaambooni ayaa sheegay in haatan ay cabsi xooggan ka qabaan in tallaabo kale ay qaadaan Ciidanka Kenya, iyadoo sidoo kale ay macquul tahay ay dhibaato hor leh gaarsiiyaan dadka shacab ah ee xoola dhaqatada u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here