Madaxwayne Axmed Madoobe Oo Kula La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Iyo Xildhibaanada La Doortay

0
233

Madaxwayne Axmed Madoobe Oo Kula La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Iyo Xildhibaanada La Doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ee Magaalada Kismaayo Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ee kala duwan gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee la doortay.

Madaxweynaha ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahad celiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen maalmahii lasoo dhaafay ee ku aadanaa in Jubbaland ay noqotay maamulki ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka iyo Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland doorkii weeynaa ee uu ku lahaa qabsomida doorashada iyo heshiiskii laga gaaray doorashada/.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Xubnaha uu la kulmay ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay inay sii laba jibaaran si arimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan.

Shalay ayaa waxaa Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu doortay Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo degaan doorashadoodu tahay Jubbaland, iyada oo la filayo in maalmaha soo socda ay sidoo kale dhacaan doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here