Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka Jaamacadda Carabta Oo Kulan Deg Deg Ah Yeelanaya Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

0
210

Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka Jaamacadda Carabta Oo Kulan Deg Deg Ah Yeelanaya Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xasaam Zaki ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Telefishin, wuxuuna xusay in Golaha Ammaanka ee QM qaadi doonto Mas’uuliyadda Muranka ka taagan dhismaha Biyo-Xireenka Ethiopia.

Waxa uu intaasi ku daray in Kulanka Degdega Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka maanta ku leeyihiin caasimadda dalka Qatar ee Doha laga soo saari doono Bayaan ku aadan inay  Golaha Ammaanka ee QM dhabarka u ridan doonaan Mas’uuliyada ka dhalata arrintaasi.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xasaam Zaki waxa uu ugu baaqay Golahaasi inay soo farageliyaan Muranka Biyo-xireenka Ethiopia, si  xal loogu helo Deganaanshaha Mandiqada.

Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa codsaday Kulanka Degdega ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carbeed maanta ku leeyihiin Caasimada dalka Qatar ee Doha.

Kulankaasi oo Wada-Tashi ah ayaa la filayaa in laga soo saaro Bayaan mideysan oo lagu taageerayo Mowqifka Masar iyo Sudan ee Khilaafka kala dhexeeyo Ethiopia ee arrinta Biyo-xireenka GERD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here