MASAR : Tobaneeyo Ka Tirsan Ururka Akhwaanul-Muslimiin Oo Xukun Lagu Riday

0
263

MASAR : Tobaneeyo Ka Tirsan Ururka Akhwaanul-Muslimiin Oo Xukun Lagu Riday

Maxkamadda Rayidka ee ugu saraysa dalka Masar waxay taageertay xukun horey loogu riday 12 xubnood oo ka tirsan Ururkaasi oo laga mamnuucay dalkaasi.

Ilo Garsoorka ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lagu helay inay xiriir la lahaayeen dil-wadareed lagu dilay Askar ka tirsan Ha’addaha Ammaanka ee dalkaasi sanadkii 2013-kii.

Xubnaha dilka lagu xukumay oo aan Rafcaan ka qaadan Karin Xukunkaasi waxaa ka mid ahaa Maxamed El-Beltagi oo horey uga tirsanaa Barlamaanka Masar iyo Osaama Yaasiin oo isna Wasiir soo noqday.

Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 9 ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah, kadib, markii eedeeyey weerar lagu qaaday Saldhig Bolis, oo 13 Askari lagu dilay.

Ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ama Akhwaanul-Muslimiinka Masar waxaa la asaasay sanadkii 1928-kii , waxayna mar ka mid noqdeen Mucaaradka dalkaasi, inkastoo markii dambe gebi ahaan Dhaqdhaqaaqooda laga mamnuucay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here