DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Xero Ku Taalla Muqdisho

0
283

DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Xero Ku Taalla Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor laga malay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee Nacnaca.

Qaraxaas oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana waxa uu isku dhex qarxiyey goob lagu tababarayay Askar kamid noqoneysa Ciidanka Milateriga, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan Ninka is qarxiyey uu kamid ahaa Askarta.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Askar badan iyo Saraakiil Ciidan oo tababarka bixinayay, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn khasaaraha.

Gurmad xoogan oo loo sameeynayo Askarta waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ayaa haatan ka socda gudaha Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here