DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Masuul Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Ku Geeriyooday

0
573

DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Masuul Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Ku Geeriyooday

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay wadada Xaafada daaru-Salaam meel u dhow Xoolo-qalka, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qof kamid ah dadka ku nool Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir lala eegtay Gaari uu watay mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu watay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud, isla markaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo haleelay Gaariga uu saarnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka guddoomiye kuxigeenka & dadka kale ee ku waxyeeloobay qaraxa, iyada oo rasaas ay fureen Ciidamada la qarxiyay ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo Shacab ah.

Qaraxyada nooca soo boodada ah ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxyadaas intooda badan ay ku waxyeeloobaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo Shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here