Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho, Kadib Safarkii Kinshaasa

0
310

Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho, Kadib Safarkii Kinshaasa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo maalin kahor ku tegay Magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo ayaa dib ugu soo laabtay dalka.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Kinshaasa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Koongo Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xirirka la dhexeeya labada dhinac.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen.

Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka  u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here