Madaxwayne Muuse Biixi Oo Maanta Daah Furay Talaalka Covid 19 Noqdayna Qofkii Ugu Horeeyay

0
446

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Maanta Daah Furay Talaalka Covid 19 Noqdayna Qofkii Ugu Horeeyay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta si rasmi ah u qaatay tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah COVID-19 oo dhawaan la gaarsiiyay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tallaalka la geeyay Hargeysa intiisa badan ay qaadan Mas’uuliyiin maamulka iyo bahda Caafimaadka ee safka horre ugu jira la dagaalanka Cudurka COVID-19.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaalka uu yahay mid muhiim ah, isla markaana dadka degan deegaanada Somaliland ugu baaqday inay qaatan, si looga hortego Cudurka oo kiisas farabadan la diiwaan-geliyay halkaas.

Cudurka COVID-19 oo markii labaad kusoo laba kacleeyay deegaanada Maamulka ayaa waxaa uu ku dhacay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here