Turkiga Oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Ka Taagan Doorashooyinka Somalia

0
314

Turkiga Oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Ka Taagan Doorashooyinka Somalia

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka iyo khilaafka la isku mari la’yahay ee ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Turkiga uu ka walaacsan yahay xaaladda ka dhalatay khilaafka ku hor gudban doorashada iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhammaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis nabadeed ka gaaran doorashada oo wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal laguna shaqeeyo niyad wanaagsan.

Sidoo kale Turkiga ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara rabshado, ayna madaxda dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka isugu yimaadan shir lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira.

“Waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed ee saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ay leeyihiin rabitaan iyo biseyl siyaasadeed oo ay ku go’aansadaan mustaqbalkooda.  Xaaladda jirta waxaan rajeyneynaa in is afgarad laga gaaro howlaha doorashada, iyadoo lagu saleynayo is-faham aan dib u dhac dambe ku imaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Khilaafka xoogan ayaa xiligaan waxaa uu ka taagan yahay qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin, hayeeshee waxaa socda dadaalo kala duwan oo Beesha Caalamka ku dooneyso in lagu xaliyo khilaafka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here