Madaxweyne Saciid Deni “Ma Villa Somalia Ayaan Iska Ilaalinaa Mise Al-Shabaab”

0
305

Madaxweyne Saciid Deni “Ma Villa Somalia Ayaan Iska Ilaalinaa Mise Al-Shabaab”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo qaar Kamid ah bulshada Puntland u jediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan Siyaasadda dalka.

Deni ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladaha Puntland iyo arrimo badan oo quseeya doorashooyinka dalka ka dhici doona, isagoo sidoo kale ka hadlay khilaafka taagan ee u dhexeeya farmaajo, Axmed Madoobe iyo Deni.

Maadxweynaha Maamulka Punland Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa Madaxweynaha Muddo xileedkiisa Dastuuriga ahi dhammaaday ku eedeyay in uu mas’uul ka ahaa fashilka ku yimid dhammaan shirarki horay loo qabtay, waxaana uu si gaar ah ugu eedeyay in wax walbo oo ku aaddan hor u socod la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo in xal la gaaro uu dusha saaranayo Farmaajo.

Khudbadda Siciid Cabdullaahi Deni oo dhinacyo badan taabanaysay ahaydna mid xasaasi ah oo uu arrimo badan kaga hadlay ayuu sidoo kale ku sheegay in Madaxweynuhu uusan tanaasulin, caqabadna uu ku nqoday shirkii Dhuusamareeb.

Waxaa intaas uu ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis ku hayo maamulada iyo sidoo kale dadka ka aragtida duwan, isagoo yiri “Ma Villa Somalia ayaan iska ilaalinnaa mise Al-Shabaab”, waxaana  uu sheegay in Muraacadka uu dagaal toos ah kula jiro, isagoo ku tilmaamay kaligitalis.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here