Ciidamo Badan Oo Lagu Daadiyay Magaalooyin Ka Tirsan Somaliland+SABABTA

0
350

Ciidamo Badan Oo Lagu Daadiyay Magaalooyin Ka Tirsan Somaliland+SABABTA

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa labadi habeenkii ee ugu dambeeyay lagu soo daadiyay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka, iyadoo amniga la adkeeyay.

Ciidamada oo isugu jira Milateri iyo Boolis ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Hargeysa, sidoo kalena dhalinyarado qaarkood ay ku arkaan hareeraha laamiga weydiinaya su’aalo la xiriira dhinaca amniga.

Saraakiil ka tirsan Ciidank Booliska Somaliland oo warbaahinta xalay la hadlay ayaa u sheegay in aysan jirin khatar amni oo laga cabsi qabo, hayeeshee Somaliland ay u diyaar garoobeyso doorasho, sidaasina amniga lagu sii adkeeyay.

Sidoo kale Magaalooyinka Burco iyo Boorama ayaa ka mid ah Magaalooyinka amnigooda aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraada lagu arkayo waddooyinka, kuwaasi oo baaritaano sameeynaya.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa la filayaa in Bisha May 2021 ay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland, waxaana waqtigaas go’aamiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here