Puntland Oo Shaacisay In Aan Lagala Tashan Shirka Uu Ku Baaqay Farmaajo

0
330

Puntland Oo Shaacisay In Aan Lagala Tashan Shirka Uu Ku Baaqay Farmaajo

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay Shirka mar kale uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Garoowe.

War kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Farmaajo, waxaana ay sheegeen in Puntland aan la tashi lagala sameeyn in Shirkaas lagu qabanayo Garoowe.

Puntland ayaa ku talisay in Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu idlaaday muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Puntland ayaa ku baaqday in Shirka looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ay kasoo qeyb galaan saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Beesha Caalamka.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Puntland oo ay uga jawaabayeen Shirkii lagu baaqay.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in intii Madaxweyne Farmaajo wada hadlayeen isaga iyo Madaxweyne Deni ay ka war heleen in shirku uu ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Garowe, taasna lama filaan ku noqotay.

Shirkaan ayaa sida la shaaciyay ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana waxaa uu furmi doonaa 15-ka bishaan Febraayo, wallow Puntland ay sheegtay in aan la tashi lagala sameeyn shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here