Jubbaland Oo Ka Jawaabtay Shirka Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo

0
294

Jubbaland Oo Ka Jawaabtay Shirka Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay Shirka mar kale uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Garoowe.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Farmaajo ee looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa oo furmi doona 15-ka bishaan Febraayo.

Jubbaland ayaa soo jeedisay in Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu idlaaday muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Shirka la balaariyo.

Puntland ayaa xalay shaacisay in aan lagala tashan Shirka lagu baaqay, hayeeshee ku talisay in Shirka Madaxda lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu idlaaday muddo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sida la shaaciyay ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana waxaa uu furmi doonaa 15-ka bishaan Febraayo, wallow Puntland ay sheegtay in aan la tashi lagala sameeyn shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here