Dowlad Xayiraad Horey U Saartay Soomaaliya Oo Mar Kale Cusbooneysiisay

0
311

Dowlad Xayiraad Horey U Saartay Soomaaliya Oo Mar Kale Cusbooneysiisay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa shalay ku dhawaaqday Go’aan Cusub oo ay ku kordhisay xayiraad dhinaca socdaalka oo horey u saartay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo kordhiyay xayiraada socdaalka ay tahay mid la xiriira amniga ka jira dalalka ay kusoo rogtay xayiraada.

Kuuriyadda ayaa xayiraada ay saartay dalalka Somalia, Yemen, Libya, Syria, Iraq, Afghanistan iyo koonfurta qaranka Philippines ayaa waxaa ay ku kordhisay Lix bilood oo hor leh, waxaana ay ku egtahay 31-da Julaayo ee sanadkan cusub 2021.

Sidoo kale dalalkaas ayey Kuuriyadda Koonfureed ku eedeeysay inay ka jiraan xasilooni darro siyaasadeed, isla markaana ay sii socon doonto arrintaas, taasina ay tahay sababta ay Go’aankaas cusub u qaateen.

“Wadamadan la xayiray waxaa loo tixgeliyey in ay ka jirto khatarto weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed taasoo u muuqata in ay sii socon doonto,” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here