Joe Biden oo maanta loo caleema saarayo xilka Madaxtinimada

0
312

Joe Biden oo maanta loo caleema saarayo xilka Madaxtinimada

Joe Biden oo ku guuleystay bishii November doorashada Madaxtinimada Mareykanka ayaa la filayaa in maanta xilka loo dhaariyo, lana caleema saaro, si uu u noqdo Madaxweynihii 46aad ee dalka Mareykanka.

Mr Biden ayaa Xafiiska Aqalka Cad kala wareegaya Donald Trump oo Mareykanka soo xukumayay muddo afar sano ah.

Magaalada Washington ayay maanta oo Arbaco ah ka dhaceysaa xaflada caleema saarka, waxaana Madaxweynaha la doortay Mareykanka uu si rasmi ah u fariisan doonaa marka xilka la wareego Aqalka looga taliyo dalka Mareykanka ee White House.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa hareeyay dalka Mareykanka isku daygii taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump ay ku qamaameen xarunta Koongareeska, taasoo si weyn qalqal u gelisay siyaasadda Mareykanka, taasoo keentay in la xanibo barta Twitterka ee Trump.

Donald Trump oo soo duubay muuqaal macsalaameyn ah oo la soo dhigay barta Youtube ayuu sheegay inuu sameeyay wax kasta oo loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here