James Swan Oo Dalab La Xiriira Doorashada Hordhigay Madaxweyne Farmaajo

0
341

James Swan Oo Dalab La Xiriira Doorashada Hordhigay Madaxweyne Farmaajo

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya oo horey heshiis uga wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

James Swan oo la hadlaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in dadaal badan ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban qabsoomida doorashada la iskuna soo dhaweyn lahaa Madaxda isku heysta doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu qaato hoggaankii looga baahnaa oo uu isu keeno dhinacyada kala duwan ee isku mari la’ doorashada, si horay loogu socdo.

Sidoo kale James Swan ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in doorashada waqtigeedu ku dhacdo, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku yimaadan, si xal looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaanta jira in la isku soo dhowaado, xaqiiqdi waxaa jirta fursad haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn ee Soomaaliyeed ay isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa inuu cid walba uu isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo” ayuu yiri James Swan.

Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan doorashada 2021 ee dalka Soomaaliya ka dhaceysa, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada dalka, iyadoona arrintaas ay kasoo horjeeysteen Musharaxiinta, kana digay in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here