Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Weli Ka Socda Magaalooyinka Tunuusiya

0
276

Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Weli Ka Socda Magaalooyinka Tunuusiya

Booliska Tunisia ayaa sheegay inay xireen in ka badan 600 oo qof iyadoo habeenkii afaraad ay socdaan dibedbaxyo rabshado wata, isla markaana dadka mudaaharaadaya ay dib ugu soo laabanayaan waddooyinka mar walba oo ay boolisku kala diraan.

Isniintii shalay ahayd, dadweyne mudaharaadayay oo badankood dhalinyaro ah ayaa mar kale isugu soo baxay bartamaha caasimadda, Tunis, iyagoo dhagxaan iyo bambooyin shidaal ka sameysan ku tuuraya booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo madfaca biyaha.

Tuniisiya waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, saddex meelood meelna dhallinyaradeeda ayaa shaqo la’aan ah.

Dhibaatada dhaqaale ayaa kasii dartay iyadoo caalamka uu la daala dhacayay cudurka Safmarka ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here