Hogaamiyihii Mucaaradka Ruushka Ee La Sumeeyay Olo lagu xiray magaalada Moscow

0
294

Hogaamiyihii Mucaaradka Ruushka Ee La Sumeeyay Olo lagu xiray magaalada Moscow

Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa la sheegay in la xiray ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sumeyn loo adeegsaday sunta waxyeeleysa neerfooyiinka.

Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorada ee garoonka.

Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.

Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushka.

Waan ogahay inaan saxanahay, wax aan ka baqayo ma jiro,” waxaa sidaasi Mr Navalny uu garoonka Sheremetyevo sidaasi ugu sheegay taageerayaashiisa iyo warbahainta ka hor inta aan la xirin.

Qareenka Mr Navalny ayaa lo diiday in markii la xirayay uu sii raaco.

Waxaa la arkayay isaga oo shuminaya xaaskiisa Yulia – oo ay iska soo raaceen Jarmalka ka dib markii ay booliiska uga digeen inay awood adeegsan doonaan haddii amarada la siinayo uu ka dhaga adeeego.

Axaddii shalay ahayd ayaa waxaa isku dhacay booliiska iyo dad isu soo baxay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Mr Alexei Navalny.

Warbaahinta Ruushka ayaa waxay ku warantay in tiro ah ddaka u ololeeya arrimaha bulshada oo uu ak mid yahya Lyubov Sobol – oo ay aad isugu dhaw yihiin Mr Navalny la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here