Somaliland Oo Taageertay Hadal Kasoo Yeeray Safiirkii Mareykanka Ee Somalia

0
417

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz ee ku saabsanaa inay Somaliland u qalanto inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika  ayaa soo dhaweeyay hadalka Safiirkii hore ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid wanaagsan.

“Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay..” ayuu yiri Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in Amb. Stephen M. Schwartz uu qiray in Somalilan meel wanaagsan ay tahay, isla markaana ay ka jirto xasilooni la isku haleyn karo oo ku timid wadashaqeyn.

“Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaarnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena” ayuu sii raacsiiyey hadalkiisa Wasiir Yaasiin Xaaji Faratoon.

Ugu dambeyn Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa tilmaamay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Beesha Caalamka iyo dalalka kale ee xiriirka la leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here