Ciidamo Hubeysan Oo La Wareegay Xarun Wasaaradeed Ka Tirsan Puntland

0
398

Ciidamo Hubeysan Oo La Wareegay Xarun Wasaaradeed Ka Tirsan Puntland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka wareegeen Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ku taalla halkaas.

Ciidamada qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin helitaanka Mushaaraadkooda oo aysan helin muddo dhowr bilood ah, taasina ay keentay inay qabsataan Xaruntaas.

Sidoo kale Ciidanka hubeysan ayaa ka cabanaya in loo diray howlgal la xariira la dagaalanka Maraakiibta Jariifka ah ka wada xeebaha Maamulka Puntland gaar ahaan agagaarka Boosaaso.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada la wareegay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud u diideen inay xarunta kabaxaan, iyagoona halkaas ku xayiran.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xiray gebi ahaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Wasaaradda, isla markaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka u diidaya inay maraan halkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Sare ee Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Ciidanka Gadoodsan ee saakay la wareegay Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay ku leedahay Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here