Puntland Oo Maanta Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin Dilay Hooyadiis

0
435

Puntland Oo Maanta Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin Dilay Hooyadiis

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah xukun Dil toogasho ah ku fulisay Nin horey Hooyadii dil ugu geystay deegaan ka tirsan Gobolka Nugaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo saddex bilood ka hor hooyadiis ku dilay deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, isagoona intaas kadib xabsiga la dhigay.

Maanta ayay aheyd Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland xukun Dil toogasho ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo si bareer ah u dilay Hooyadiis dhashay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Xaawo Jaamac Cabdulle.

Goobta uu ka dhacayay xukunka dilka toogashada ahaa ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Si kastaba Maamulka Puntland ayaa horey xukuno Dil toogasho ah ugu fuliyay dad dilal u geystay dad shacab iyo xubno kale oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here