Qorshe Cumar Al-Bashiir Loogu Maxkamadeynayo Hague Oo Socda

0
314

Qorshe Cumar Al-Bashiir Loogu Maxkamadeynayo Hague Oo Socda

Wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa gaaray dalka Suudaan si mas’uuliyiinta dalkaasi ay ugala hadlaan sidii loo maxkamadeyn lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir waxaa in muddo ah raadineysay Maxkamadda Caalamiga ah Dambiyada ee ICC, iyadoo loo heysto xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan ayaa sheegay in wafdigani uu joogi doono dalka ilaa 21 Oktoobar, si ay uga wada arrinsadaan “iskaashi” laga sameeyo arrinta Cumar Al-Bashiir.

Dowladda Suudaan ayaa horey u ogolaatay in Al-Bashiir lagu maxkamadeyn karo magaalada Hague. Balse heshiis nabadeed oo dowladdu ay la gashay mucaaradka ku sugan gobolka galbeed ee Daarfuur ayaa dhigaya in dowladdu ay sameyso maxkamad gaar ah oo ku saabsan dambiyadii dagaal ee dalka ka dhacay oo arrinta Cumar Al-Bashiir ay ka mid tahay.

Wafuudda ka socota maxkamadda ICC ee hada ku sugan magaalada Khartuum ayaa waxaa ka mid ah dacwad oogaha maxkamaddaasi Fatou Bensouda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here