Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Ragii Ku Eedaysnaa Kufsigii Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa

0
976

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Ragii Ku Eedaysnaa Kufsigii Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay fal kufsi u geysteen Gabar oo kamid aheyd dadka deegaanka Magaaladaas.

Raggaas oo gaarayay ilaa iyo 7 eedeysane ayaa la horgeeyay Maxkamadda Maroodi-jeex, iyagoona kufsi u geystay Gabar lagu magacaabo Cawo Xariir oo kamid aheyd Caruurta ku jirta Xarunta Agoomaha.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa laba kamid ah raggaas ku xukuntay Min 3 sanno oo xabsi ah, halka 5-ta kalena lagu riday xukun ah midkiiba 6 bilood oo xarig dibad joog ah.

Dhinaca kale Xeer Ilaalinta Maxkamadda Garyaqaan Jamaal Mandeella oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in cidii aan ku qanacsaneyn xukunkii Maanta lagu riday 7 eedeysane ay racfaan u furan tahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Somaliland ayaa horey u soo qabtay 7 eedeeysane, kuwaasi oo la sheegay in fal kufsi ah u geysteen Cawo Xariir oo kamid aheyd Caruurta ku jirta Xarunta Agoomaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here