Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeeray Donold Trump

0
397

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeeray Donold Trump

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Maraykanka ka dalbaday in aan la carqaladeyn xiriirka ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya oo uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer leh.

Maadxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xiriirka labada dhinac lagu sii wadi karo wada shaqayn Iyo iskaashi heer caalami ah, iyo in Maraykanku uu sii wado taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka digay wax waliba oo dib u dhigi kara Xiriirka labada dal.

Waxaa intaas uu ku daray maadxweyne farmaajo in Mareykanku uu sii wado la dagaalnaka Al-shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada Tageera, waxaana Ciidanka Mareykanka ee Caaawiye Dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday in ay sii wadan la dagaalanka ay kula jiraan Al-shabaab.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga wax kabadan 700 oo askari, kuwaas oo tabarao iyo howlgallada ka Caawiya Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana sanadihii ugu dambeeyay ay Mareykanku soo saareen Ciidan farabadan oo ay u tababareen Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay Al-shabaab dagaal xooggan ku qaadi doonaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in Ciidanka  Mareykanka ah eek u sugan Soomaaliya uu kasoo saari doono, waxaana xusid mudan in Olalahiisa ay qayb ka ahayd soo saaridda Ciidanka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here