Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Golihiisa Wasiirada

0
632

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Golihiisa Wasiirada

Waxaa xalay mar kale Xarunta Madaxtooyada dalka kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulankaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay soo magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen Maxamed Rooble.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo xubnaha Golaha Wasiiradda ee Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay socdaan qorshayaashii ugu dambeeyay ee loogu dhawaaqayo Golaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in suura-gal ay tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ay soo laaban doonaan, in kastoo aan si rasmi ah ah loo ogeyn xubnaha soo laabanaya.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay taagnaa dood ka taagneyd xubnaha ka soo jeeda Koofur Galbeed ee ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda Cusub, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada latashiyadii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada cusub, isagoona horey u balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad ka qeyb qaatada hanaanka Doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here