DEG DEG : Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla Shabeellaha Hoose

0
359

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla Shabeellaha Hoose

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo daqiiqado kahor ka dhacay Suuq ku yaalla gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Afgooye, xili halkaas ay dad farabadan ku sugnaayeen, waxaana jugta qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ku geeriyooday qof shacab ah, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howlgal baaritaano ah, sidoo kalena xiray suuqa.

Maalinta arbacada ayaa waxaa la isugu tagaan Suuqa xoolaha Degmada Afgooye, waxaana halkaas isugu tega dadka xoolaha ka ganacsada iyo dadka iibsada, iyadoo xiliga uu qaraxu dhacayay ay halkaas ku sugnaayeen dad shacab ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay, hayeeshee waxaa la sheegayaa inay socdaan baaritaano kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here