Laacibka Addunka Messi Oo Shaaciyay Inuu Ka Tagayo Barcelona

0
320

Laacibka Addunka Messi Oo Shaaciyay Inuu Ka Tagayo Barcelona

Xiddiga weyn ee ree Argentina Lionel Messi ayaa kooxdiisa baarceloona u sheegay inuu xilli ciyaareedkan ka tagayo naadiga.

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, cimrigiisa ciyaareed oo dhanna kusoo qaatay Barcelona ayaa ku dhawaaqay go’aankan oo aanan marnaba laga filanayn.

Waxa uu kooxda ka codsaday in si dhakhsiya lagu fasaxo oo weliba bilaash ah. Barcelona ayaan kala daahin jawaabteeda, waxaanay si degdeg ah ugu sheegtay Lionel Messi in aanay marnaba u ogolaan doonin inuu si bilaash ah kaga tagoi kooxda.

Inkasta oo uu laacibkani wax badan usoo qabtay, haddana Barcelona ayaa ka fikiraysa dhinaca ganacsiga marka ay timaaddo inuu tago xiddigga ugu wanaagsan dunida, mana ogolaan karto in uu bilaash ku baxo maadaama lasoo dhaafay waqtigii uu heshiiskiisu u ogolaa inuu si bilaash ah ku bixi karo.

Barca ayaa waxaa 8-2 ku garaacay Bayern Munchen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August.

Messi oo lixjeer ku guuleystay billada ciyaaryahanka addunka ugu wanaagsan ee Ballon d’Or, ayaa kulankiisii ugu horreeyay Barcelona u saftay sannadkii 2004-tii, waxa uuna koobka Champions League ku guuleystay afar goor.

Qandaraaska uu naadiga kula jiro ayaa ku eg dhammaadka 2021-ka. Waxaana la filayaa iney goor dhow kulan qaataan maamulka kooxda. Waxaana jira warar sheegaya in waxa keliya ee Messi lagu qancin karo ay tahay in madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu uu is casilo, sidoo kalana la qabto doorasho deg-deg ah balse Messi ayaa u muuqda qof gaaray go’aankiisi ugu dambeeyay ee aan sinna lagu qancin karin.

Kaddib markii la baahiyay warka ah in Messi uu codsaday inuu la fasaxo oo ka tago naadiga ayaa garoonka Nou Camp ee Barcelona waxaa soo buu dhaafiyay taageerayaasha oo ku mudaaharaadaya maamulka kooxda, iyagoona taageero u fidinaya laacibkooda ku gaamuray kooxda.

Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sanno jir ah sannadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell’s Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. Waxa uu kooxda kula guuleystay 34 koob oo waaweyn oo ay kamid ahaayeen 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo 4 koob Champions League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here