Musharaxa Joe Biden oo haweeney Madow ah u xushay Madaxweyne ku-xigeenkiisa

0
477

Musharaxa Joe Biden oo haweeney Madow ah u xushay Madaxweyne ku-xigeenkiisa

Musharraxa Madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Dimoqraaddiga Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto ku-xigeenkiisa.

Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California ee ka soo jeedda Hindiga-Jumaykaanka ah waxaa muddadaasba loo arkaayey inay booskan tahay dadka ugu cadcad.

Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Mike Pence ayaa isna weli ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee ku xigeenka u noqon doona Trump. Waxayna labadoodu, waa Pence iyo Harris doodi doonaan bisha october 7-deeda, taas oo ka dhici doonta Salt Lake City, ee Utah.

Mr Biden ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inay u tahay “sharaf weyn” inuu u magacaabo jagadan Ms Harris, si ay u wada loollamaan, Waxa uuna ku tilmaamay “dagaal yahanad aan cabsi lahayn oo loogu talagalay, iyo mid ka mid ah adeegayaasha ugu wanaagsan ee dalka” ayuu yiri Biden

Mr. Biden ayaa wajihi doona Madaxweyne Donald Trump doorashada la filayo inay dhacdo 3-da Bisha November ee soo socota, waxayna haweeneydan noqon doontaa tii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii la doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here