Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Sharciga Qareenada Soomaaliyeed

0
403

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Sharciga Qareenada Soomaaliyeed

Xildhibaanada golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay dooda sedexaad ka yeeshaan Hindise Sharciyeedka Qareennada soomaaliyeed.

Xildhibaannada ayaa sida loogu soo diray fariinta balaminta, waxaana kulanka golaha shacabka uu ajandahu yahay akhrinta sedexaad ee Hindse sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, iyagoo ku yeelan doono xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulamada Baarlamaanka ayaa aad loo kordhiyay kadib markii ay soo dhowaatay mudada uu baarlamaankan shaqeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here