DEG DEGV: Atooraha vaankaa Ee Amitabh Bachchan oo Coronavirus kudhacay isbitaal ayaana loola cararay!

0
892

DEG DEGV: Atooraha vaankaa Ee Amitabh Bachchan oo Coronavirus kudhacay isbitaal ayaana loola cararay!

Megastar Amitabh Bachchan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu kudhacay caabuqa halista badan ee Covid-19 waana caabuq halis ku ah inta badan dadka da’da ah sida qoloda caafimaadka inta badan sheegaan qal-qal weyn ayaana soo wajahay reer Bollywood caawa.

Amit ayaa laga helay Corona waliba Positive ayuu noqday markii la baaray maadama uu iska shakiyay calaamadaha caabuqana uu isku arkay kadib markii la baaray lagana helay deg deg ayaa loogu qaaday isbitaalka si halkaas loogu karantiilo.

Bachchan ayaa baraha bulshada arinkaan ku shaaciyay waxuuna yiri,”waxaa la iga helay Corona Positive ayaana noqday baaritaan kadib waxaana usoo wareegay isbitaalka karantiil ahaan sido kale dhamaan qoyskeyga ayagana waa la baaray waxaana la sugaya jawaabta baarista dhanka kale waxaan ka codsanayaa dhamaan dadkii 10-maalmood udambeysay ila kulmeen inee is baaraan si ay isku hubiyaan.”

Reer Bollywood ayaa hawada duco usoo marsiyeen jilaagan inuu dhaqsi ka kaco caabuqa maadama halis uu yahay isagana waa qof da’ ah oo 77-jir sare usii dhaafaya waa markii ugu horeysay jilaa caanka ah Bollywoodka kudhaco Covid-19 waliba Amitabh Bachchan in laga helo wax qof walba ku farxi doono ma ahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here