Ajaanib Cusub Oo Ku Sugan Deegaanada Somaliland Oo Laga Helay Covid 19

0
446

Ajaanib Cusub Oo Ku Sugan Deegaanada Somaliland Oo Laga Helay Covid 19

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baaritaan dhinaca caafimaadka oo lagu sameeyay dhowr qof oo looga shakisnaa xanuunka Corona ee deeganada maamulka Soomaaliland.

Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay 80-ruux oo baaritaanka lagu sameeyay in 26 ka mid ah laga helay xanuunka Covid 19.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in 22- ka mid ah dadkaa ay u dhasheen Soomaaliland 4-kalana ay u dhasheen Hindiya.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 9 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here