Dad Shacab Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho

0
395

Dad Shacab Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka ah ayaa waxaa uu daqiiqado kahor uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddaha ku dhow halkaas, waxaana kasoo baxaya qaraxaas warar kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in qaraxaas uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeyso deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyadoona uu haleelay Gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaariga Hoomey-da ee haleeshay Miinada.

Dadka deegaanka ayaa goobta ka wada Gurmad xoogan oo loo soo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay, waxaana dadka qaarkood la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa is deg deg ah u tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa ay xireen halkaas, iyadoona hakad uu jiro isku socodka dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here