Meydka Safiirkii Jaamacadda Carabta Ee Somalia Oo Muqdisho Laga Qaaday

0
433

Meydka Safiirkii Jaamacadda Carabta Ee Somalia Oo Muqdisho Laga Qaaday

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday Allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho.

Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ayaa loo qaaday dalka uu u dhashay ee sacuudiga si loogu aaso waxaana madaxdii Sagootinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen ehelada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale Jaamacadda carabta oo uu Soomaaliya uqabilsanaa.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diray shacab weynaha iyo Dowladda Sacuudiga geeridii ku timid safiirka.

Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxa ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed 23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here