Dad banaanbaxayay oo gubay saldhig Boolis oo ku yaal magaalada Minneapolis

0
346

Dad banaanbaxayay oo gubay saldhig Boolis oo ku yaal magaalada Minneapolis

Saldhig Boolis oo ku yaal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa la gubay iyadoo habeenkii saddexaad ay banaanbaxyo dhigayaan dad ka careysan dilka muwaadin madow oo aan hubeysneyn.

Mid ka mid ah askarta Booliska ayaa laga duubay muuqaal isagoo jilibka dhuunta ugaga haya George Floyd oo 46 sano jir oo ku dhowaaqayay Ma neefsan karo.

Qoyska ninka madow ee la dilay ayaa dalbaday caddaalad lana horkeeno afar askari oo ku lug lahayd dilka Floyd sharciga. Xeer ilaaliyaasha ayaa weli sheegaya inay ururinayaan cadeymo.

Sidoo kale waxaa banaanbaxyo ay ka dhaceen magaalooyin kale oo ku yaal dalka Maraykanka sida New York, Los Angeles, Chicago, Denver, Phoenix iyo Memphis.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxaa burburiyeen dhismooyinka ku yaal waddooyinka waxayna ciidamada booliska ay ku kala eryeen gaaska dadka ka ilmeysiiya dadkii banaanbaxayay.

Dilka George Floyd ayaa waxaa uu shidaal ku sii daray eedeymo loo soo jeedinayay booliska Maraykanka sida ay ula dhaqmaan dadka madow.

Duqa magaalada Minneapoli Jacob Frey ayaa amray in booliska ay ka baxaan saldhigga la gubay isagoo sheegay in nolosha ciidamada ay ka wanaagsan tahay dhisme la gubay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku eedeeyay duqa magaalada Minneapolis hoggaan xumo waxana uu ku goodiyay in uu geyn doono ciidamada ilaalada qaranka haddii aan la soo celin amarka iyo kala dambeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here