Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Minneapolis

0
396

Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Ninkii Madowga Ahaa Ee Lagu Dilay Minneapolis

Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target.

Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd.

Ilhan Omar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah.

“U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday.

”Waxa maanta ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.”

Dhanka kale Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd.

Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.”

Lakiin caradii ka dhalatay dilkaa ayaa wali la dajin la yahay, waxaana sii xoogeeysanaya dibadbaxayda iyo rabshadaha magaalada Minneapolis.

Qabanqaabayaasha ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyaga oo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona.

Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.”

Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.”

Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd.

Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.

Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here