Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Somaliland Oo Korortay

0
437

Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Somaliland Oo Korortay

Wasaaradda Caafimaad Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco markale shaacisay inay diiwaan-gelisay dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lau sheegay in 8 qof ooh or leh laga helay Cudurka COVID-19, kuwaasi oo jirkoodka la qaaday dhiicaano, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

Dadka helay Cudurka oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa dhamaantood waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa lagu amray inay si Deg deg ah u galaan xaalad karantiil ah, si aysan u faafin Cudurka.

Waxaa kaloo Wasaaradda Caafimaadka qoraalkeeda lagu sheegay in Cudurka ay ka bogsatay laba ruux oo uu horey uga dhacay, kuwaasi oo la tilmaamay in xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka ee Somaliland ayaa gaartay 208 qof, waxaana halkaas Cudurka ugu dhimatay 17 qof, halka 23 qof kalena ay ka bogsadeen, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here