Safiirkii Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya Oo Geeriyooday

0
417

Safiirkii Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya Oo Geeriyooday

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay dowladda Soomaaliya Xamuud Alxuweydi.

Warar la helayo ayaa sheegaya Marxuum Alxuweydi uu xanuun Deg deg ah kusoo booday, sidaasina uu ugu geeriyooday Xarun Caafimaad oo la geeyay.

Geerida safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Sidoo kale geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Mas’uul kala duwan oo ka tirsan, iyagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo Alxuweydi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here