Reer Galbeedka Oo Qorsheynaya Waxa Ay Ka Yeeli Doonaan Shiinaha Coronavirus Kaddib

0
447

Reer Galbeedka Oo Qorsheynaya Waxa Ay Ka Yeeli Doonaan Shiinaha Coronavirus Kaddib

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ay dhici karto in uu Mareykanku magdhaw ka qaado dalka Shiinaha sababo la xiriira faafidda xanuunka coronavirus.

“Waxaan aaminsanahay in xanuunkan looga hortagi karay halkii uu kasoo billowday”, ayuu yiri madaxweyne Trump oo intaa ku daray in ay jiraan dhowr siyaabood oo Shiinaha lagula xisaabtami karo arrintan.

Hadalka madaxweyne Trump ayaa yimid maalmo yar kaddib markii gobolka Missouri ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay in uu dacweynayo dalka Shiinaha, uuna u raacanayo khasaaraha la xiriira faafidda xanuunka Covid-19.

Xeer ilaaliyaha gobolkaasi, Eric Schmitt, ayaa dowladda Shiinaha ku eedeeyay in aysan sameynin dadaal ku aadan kahortagga xanuunka corona, sidaas darteedna ay daalac u raacanayaan dalkaas, maadaama uu khasaaro ka soo gaaray xanuunka.

Wuxuu intaa ku daraya in dadka ku nool Missouri ay dhibaato badan kala kulmeen xanuunka, khasaare dhaqaale oo dhan balaayiin doolar na ay la kulmeen intii lagu guda jiray la tacaalidda coronavirus.

Haseyeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay, iyadoona ku tilmaamtay mid aan xaqiiqda ku saleyneyn.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay “in uu aad ula yaabay arrinkaas”, wuxuuna intaas raaciyay in hannaanka garsoor ee dalka Mareykanka aanu xaq u lahayn in uu dacwad kusoo oogo dalka Shiinaha, maadaam uu yahay “dal madax-bannaan oo la siman Mareykanka”.

Khubaro dhanka sharciga ku xeel dheer ayaa su’aal geliyay damaca gobolka Missouri ee dalka Mareykank iyo sida ay suurtagal ku noqon karto dacwada.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Dominic Raab ayaa horraantii bishan mar uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London waxaa uu sheegay in “marka laga baxo dhibaatada corona, xiriirka kala dhaxeeya Shiinaha aanu sii ahaan doonin sidii hore”, taas oo laga dheehan karo sida dowladda dalkaas aanay ugu qanacsaneyn qaabka Shiinaha uu u wajahay xaaladda coronavirus.

“Aaad ayaa loogu baahan yahay in si qoto dheer loo darso arrintan, dib u eegisna lagu sameeyo wixii laga bartay oo ay kamid tahay faafidda cudurkan, umana maleynayo in aan indhaha ka daboolan doono”, ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee Ingiriiska, Dominc Raab.

Wuxuu intaa raaciyay in dalkiisa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Shiinaha, balse “ay jiraan su’aalo badan oo adag oo loo baahan yahay in laga jawaabo oo ay kamid tahay sida xanuunkan uu ku billowday.”

Waxaa kale oo uu sheegay in waxyaabaha kale ee wax la iska weydiin doono ay kamid tahay sida loogu guuldarreystay in xanuunka la joojiyo markiisi hore.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo toddobaadyo kahor ka hadlay dalkaas ayaa wax laga weydiiyay waxa dowladiisa uga qorsheysan su’aalaha la xiriira coronavirus iyo sida u ku faafay, waxaana uu yiri: “Wakhti ku filan ayaanu u heli doonnaa sidii looga meel gaari lahaa su’aalaha la xiriira Covid-19 marka laga baxo xaaladdan, go’aan isku mid ah ayaana laga gaari doonaa si loo xaqiijiyo cawaaqiibka ay la kulmi doonaan dalalka ka gaabiyay xakameynta faafidda xanuunka”.

Dalka Mareykanka oo ah wadanka ugu badan ee uu aadka u saameeyay xanuunka ayaa madaxweynaha dalkaas, Donald Trump waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu dhaqaalaha ka jarayo Hay’adda Caafimmaadka Adduunka ee WHO.

Trump oo isaga qudhiisa lagu eedeeyay in aanu si wanaagsan ula tacaalin xakameynta xanuunkan ayaa hay’adda WHO ku eedeeyay in si aan wanaasaneyn ay u xakameysay xanuunka iyo in ay qarisay markii uu cudurkan ka bilawday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Xanuunka corona ayaa dalka Mareykanka ku dilay dad gaaraya 56 kun oo qof, halka inkabadan hal milyan oo qofna uu ku dhacay Mareykanka oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here