Shirkad Diyaaradeed Oo Joojisay Duulimaadyadedii Muqdisho Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

0
403

Shirkad Diyaaradeed Oo Joojisay Duulimaadyadedii Muqdisho Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid ah Shirkaddaha ugu qiimaha hooseeya ee dalka Kenya ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen dhamaan Duullimaadyadii ay ku tegi jireen Garoonka Calaamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Allan Kilavuka oo ah Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Jambojet oo Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay inay Go’aankaasi qaateen ka gadaal markii loo diiday inay Diyaaradahooda Duullimaadyo Subaxnimo ah ku yimaadaan Garoonka Aadan Cadde sida ay hadalka u dhigeen masuuliyiinta Shirkaddaan.

Dhanka kalana Waxa uu tilmaamay in ay Maamulayaasha Soomaalida ku guul-daraysteen in ay Shirkadda siiyaan Ballanqaad ku aadan Duullimaadyada Aroornimo ee ay kaga soo degi karaan Garoonka Muqdisho taas oo ay ku eedeeyeen dowladda in ay ay ka mid aheyd masuuliyadeeda kkuna guul dareysteen.

Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet waxa u qorsheysnaa inay Garoonka Jomo Kenyatta ka soo duullaan 6-da aroornimo, si ay uga soo degaan Garoonka Muqdisho iyo inay Diyaaradda dib ugu laabato Nairobi saacadu markay tahay 9-ka Subaxnimo iyo 25 daqiiqo ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay masuuliyiinta Shirkaddaan.

Ila iyo haatan maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kama aysan hadal go’aanka kasoo baxay shirkaddaan iyo eedeymaha loo jeedinaya wax aka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here